Waxaa la helay qaarad cusub oo 8
Saaynisyahannadu waxay ku qadatay 375 sani iney helaan qaaradda siddeedaad ee dunida taasoo in badan indhaha badmareennada ka qarsooneyd.
Waxay ahayd 1642, Habiil Tasman wuxuu ku jiray howlgal gaar ah. Badmareen waayo arag ah oo u dhashay dalka Hollaand oo lagu yaqiinnaya shaarubbo iyo timo dheer uu lahaa ayaa wuxuu ahaa nin caddaaladda jecel.
Wuxuuna badmareenka uu marweliba aaminsanaa jiritaanka qaarad kale oo ku taalla cirifka Koonfureed wuxuuna go'aansaday inuu raadiyo.
Xilligaasina, cirifka koonfureed uu badmareenku uu u badanaya iney qaaradda 8-aad laga heli karo bad mareennada kale ee reer galbeedka meysan ogeyn. Hase yeeshee maladoodu waxay u badneed iney jiri karo qaarad dhul weyn ku fadhida oo ay magaceeda ugu yeereen Terra Australis.
Qaaraddii la raadinayay oo in la helo ay qaadatay 375 sano
Si la isugu dheelli tiro qaaradaha dunida ee waqooyiga u badan baadi goobka qaaradda cusub waxay billaabatay xilliga Roomaaniyiinti hore miisaamo qaaradaha dunida dooda Waqooyi, dib-u-habayntu waxay bilaabantay waagii Roomaanki hore, balse baadi goobka qaaradda cusub hadda lagu guleystay.
Markii ugu horeysay ee uu la kulmo dadka reer Maori (oo loo maleynayo inay halkaasi ku noolaayeen dhowr qarni ka hor) si fiican uma socon, maalintii xigtay, doonnida yar ayaa ku dhacday markab badda marayay oo Netherland laga lahaa waxaa shilkaasi ku dhimatay shan qof oo caddaan ah. Ka dib bad mareennadi reer Yurub ee baadi goobka qariiradda ku koobnaa waxay dib u howl geliyeen ilaa iyo 11 doomood walow aan la ogeyn halka ay ku sii jeedeen iyo waxa ay la kulmeen.
Halkaana waxaa ku soo dhammaaday howlgalki uu waday Tasman, isaga oo safarkiisa u bixiyey safarki geerida isaga safarkiisa sidaa ku soo gaabsaday oo aan gaarin halki uu ku socday. In kasta oo uu rumaysnaa inuu isagau yahay qofki ugu horreeyey ee dah furay baadigoobka cirifka Koonfureed looga baarayo qaaradda cusub. Balse dib uma soo noqon
Comments